Madaxweyne Donald Trump Oo iska Hor istaagay Inay Soo Gasho Dalkiisa Gabadh Teegeertay Dawladda Islaamka

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalka laga hor istaagay gabadh ku biirtay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka oo borobogaandadooda fidin jirtay.

Isaga oo Twitter soo qoray ayuu sheegay in uu ku amray wasiirka arrimaha dibadda Mike Pompeo “in Hoda Muthana aan loo ogolaan in ay dib ugu soo noqoto dalka Maraykanka”

 

Pompeo ayaa horay u sheegay in gabadha 24 jirka ah aysan ahayn muwaadinad Maraykan ah isla markaasna aan loo ogolaan doonin in ay dib ugu soo noqoto dalkiisa.

Sikastaba ha ahaatee qoyskeeda iyo qareenkeeda ayaa ku adkaysanaya in ay tahay muwaadinad Maraykan ah.

 

Hoda oo ku kortay Alabama ayaa u safartay Suuriya si ay ugu biirto Kooxda Dawladda Islaanka iyada oo markaas 20 jir ahayd.

Sheekadan ayaa u eg mid kale oo ka dhacday dalka Britain iyadoo dalkaasi uu dhalashadii kala laabtay Shamima Begum.

 

Shamima ayaa ka tagtay London sannadkii 2015kii si ay ugu biirto Kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka, waxayna sheegtay in ay hadda doonayso in ay ku laabato UK.

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan UK iyo dalalka kale ee reer Yurub u sheegay in ay la wareegaan oo dalalkooda ku maxkamadeeyaan dagaalameyaasha kooxda Dawladda Islaamka ee dagaalkii u dambeeyay lagu qabtay.

 

 

Dadka arrimahan ka faalooda ayaa sheegaya in doodda Maraykanka ay darantahay xaqiiqada ah in aabaheed uu ahaan jiray Dublamaasi reer Yemen ah. Carruurta ay dublamaasiyiintu dhaleenna isla markiiba looma aqoonsado muwaadiniin marka shuruucda dalka la fiiriyo.

 

Si kastaba ha ahaatee qareenkeeda ayaa ku doodaya in aabaheed uusan dublamaasi ahayn markii ay gabadhani Maraykanka ku dhalanaysay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker