Maxaad ka Taqaanaa Raiisul wasaaraha Cusub ee ay yeelatay Boqortooyada Ingiriisku mr Boris Johnson

Boris Johnson oo horey usoo noqday xogahayah arimada Dibadda Britain ayaa loo doortay in uu noqdo Ra’isul Wasaaraha cusub ee dalkaasi ee bedelaya Tharesa May oo xilkaasi ka dageysa.

 

Doorasho adag  oo uu la galay Boris Johnson ninka la tartamayay ee Jeremy Hunt ayuu uga dambeyn ka guuleestay, waxa uuna helay Boris codad gaadhaya 92,153 halka Jeremy Hunt uu isna helay 46,656 cod.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee yeelaneyso dowlada Britain ayaa la filayaa in xilkaasi loo dhaariyo beri marka la horgeeyo Boqorada UK, waxa uuna siyaasigan intii uu olalaha ku jiray sameeyay balan qaadyo badan oo loo riyaaqay.

Tharesa May ayaa iska casishay xilka Ra’isul Wasaaraha dalka Britain kadib markii ay ku guul dareesatay balan qaadyo badan oo ay sameesay, waxaana hada isha lagu heyn doonaa isbadalka uu la yimaado Ra’isul Wasaaraha cusub ee talada dalkaasi la wareegaya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker