Israel oo weerar culus ku qaaday Lubanaan iyo Marinka Gaza

Israel ayaa saaka aroortii weerar cirka ah ku qaaday Marinka Gaza iyo Lubnaan, ayada oo sheegtay inay beegsaneyso kooxda Xamas si ay uga aargudato gantaallo dhowr ah oo Israel looga soo tuuray labadada dhul.

Weerarada ayaa la billaabay 4-tii subaxnimo, ayaga oo haleelay Marinka Gaza iyo Koonfurta Lubnaan, waxaa sidaas bayaan ku sheegay ciidamada Israel.

Militariga “waxay weerareen bartilmaameedyo ay ku jiraan kaabayaal argagixiso oo ay leedahay kooxda argagixisada ah ee Xamas, kuwaas oo ku yaalla Koonfurta Lubnaan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Waa markii ugu horreysay ee Israel ay xaqiijiso inay weerartay dhulka Lubnaan tan iyo bishii April 2022.

Qaraxyo ayaa laga maqlay gobolka Tyre ee Lubnaaan iyo Marinka Gaza, ayada oo goobjooge lagu magacaabo Abu Ahmad uu sheegay in laba madfac ay ku dhaceen meel u dhow xero qaxooti ah oo ay degan yihiin Falastiiniyiinta Lubnaan.

Xiisadda Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa sii xumaatay ayada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan iyo sidoo kale munaasabadda Passover ee Yahuudda.

Rabshadihii ugu dambeeyey ayaa yimid kadib markii booliska Israel ay Arbacadii galeen Masjidka Al-Aqsa, halkaasi oo ay isku dhaceen Falastiiniyiinta.

Khamiistii, ciidamada Israel ayaa sheegay in inka badan 30 gantaal looga soo tuuray dhulka Lubnaaan.

Saacado kadib markii Israel ay weerarka ku qaaday Koonfurta Lubanaan, dhowr gantaal oo kale oo ku wajahan Israel ayaa laga soo tuuray Gaza.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in habkooda difaaca gantaallada ay dhexda ka qabteen 25 gantaal oo lagu soo tuuray, halka shan ay ku dhaceen dhulka Israel.

Kadib weerarkii ay ku qaadeen Lubnaan, ciidamada Israel ayaa sheegay “inaysan Xamas u ogolaan doonin inay ka howlgalaan gudaha Lubnaan, islamarkaana dowladda Lubnaan ay mas’uul ka tahay xabad kasta oo halkaas laga soo tuuro.”

AFP

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker