Xamaas oo soo bandhigtay laba hayste oo midkood uu haysto dhalashada Mareykanka

Ururka Xamaas ayaa baahiyay muuqaal ay ka soo muuqdeen laba nin oo kale, oo ka mid ah la haysteyaasha Israeliyiinta ee ay ku soo qafaasheen weerarkii aan horey noociisa loo arag ay 7-dii bishii October ka gaysteen dhulka ay Israel maamusho.

Labada nin ee xalay fiidkii muuqaalkooda la baahiyay ayaa kala ah Omri Miran iyo Keith Siegel. Siegel waa Israeli sidoo kalena haysta dhalashada Mareykanka, waxaana uu noqonaya Israeligii 2aad ee haysta dhalashada Mareykanka ee Xamaas soo bandhigto. Xamaas ayaa Arbacadii soo bandhigtay muuqaal uu ka soo muuqday Hersh Goldberg-Polin, kaas oo noqday Israeligii ugu horreyay ee haysta dhalashada Mareykanka oo afduub ay u haystaan, isla-markaana ay soo bandhigan.

Keith Siegel ayaa October 7-deedii lala soo qabtay xaaskiisa Aviva, taas oo daba-yaaqadii bishii November lagu sii daayay wareeggii hore ee heshiiskii maxaabiis is dhaafsiga ee dhex maray Xamaas iyo Israel.

Omri Miran ayaa sheegay in Gaza uu ku afduuban yahay 202 maalmood, tani oo muujineysa in muuqaalka laga soo duubay laba cisho uun ka hor.

Labaduba waxay qireen in lagu soo qafaalay weerarkii 7-dii October, iyagoona Israel ka codsaday inay Xamaas la gasho wareeg kale oo heshiis maxaabiis is weydaarsi ah, si ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, iyagoo badqaba.

Muuqaalkan ayaa durbaba saamayn ku yeeshay qoysaska, ehelada iyo saaxiibada la haysteyaasha, kuwaa oo xalay isugu soo baxay waddooyinka Magaalada Tel Aviv, si ay Xukuumadda Raysal Wasaare Benjamin Netanyahu ugu cadaadiyaan in ay ka shaqeyso, sidii la haysteyaasha ay guryahooda ugu soo celin lahayd.

Guddiga qoysaska la haysteyaasha Israeliyiinta ayaa sheegay in muuqaalkan ugu dambeeyay uu caddeyn cad u yahay in Israeliyiinta lagu haysto Marinka Gaza ay weli nool yihiin, Maamulka Israel-na ay tahay inuu qaado tallaabooyinka lagama maarmaanka ah, si ay u suurtagasho in dadkaasi ay dib ula midoobaan qoysaskooda.

“Dowladda Israel waxaa looga baahan yahay inay sameyso wax walba, isla-markaana ay ansixiyaan heshiiska dib u soo celinta dhammaan la haysteyaasha.” Ayuu guddigu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Bayaanka ayaa lagu yiri “Dadka nool waa in loo soo celiyo si xor ah, ka hor maalinta madaxbannaanida ee 14-ka May, kuwa dhintayna waa in si sharaf leh loo aaso. Hadda waa waqtigii dowladda iyo hoggaankeeda ay muujin lahaayeen ficilo ay uga go’an tahay dib u soo celinta muwaadiniinta Israel ee sugaya in la soo celiyo. Dowladdu waa inaysan lumin fursaddan ay dib guryahooda ugu soo celineyso muwaadiniinta.”

La haysteyaasha Israeliyiinta ee lagu haysto Gaza ayaa waxaa ku jira kuwo haysta laba dhalasho, qaarkoodna ay yihiin muwaadiniin Mareykan ah.

Qiyaastii 130 qof oo Israeliyiin ah ayaa lagu haystaa Marinka Gaza, sida ay ku warantay Warbaahinta Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker