HAB DAWLADEED DHAQANKA KU DHACAY SOMALILAND INTUU KULMIYE YIMI IYO ISKU HAYNTII SHACABKA SOMALILAND OO DHINAC LA ISKA DHIGAY.

Arinkan Somaliland la wada leeyahay waxaa hoosta ka xariiqay Madaxweynihii hore ee Riyaale markuu fahmay siyaasadda uu la imanayo Xisbiga Kulmiye oo Ummadda reer Somaliland aan isku wada wadi doonin. Markiiba waxaa bilaabantay in Dawladda Mansabyaddii u sareeyey isku koobay, Gudoomiyhii Baarlamaanka erka maqnaano weerar cad oo AF iyo Adin iyo GACAN iyo Ilko iyo Ciddiyoba wata LAGULA dagaaalamay. Waxaa markiiba Kulmiye weeraray dhaqaalihii danta guud oo iib loola dhaqaaqday oo jeebadaa lagu shubtay oo gooni loola baxay. Waxaynu aragnaa Madaxweynihii Siilaanyo oo NGO ah oo xoolihii ummadda lahayd la ag fadhiistay oo leh maanta CAAWIMOOYIN BAAN FIDINAYAA waana Heshiiskii ka dhexeeyey isagiyo Muse inuu Kursiga saaro laakiin aanuu xoolihiina soo fara gelin waabuu wacanyey hadduu xoolihii aanuu la fogaan inkastoo ay aan OGAYN halka xoolihii YAALIIN iyo inuu Dekedda Berbera Boqolkiiba 15 ku lahayn.

SI kastaba ha ahaatee waxaa ina hor yaalla in qabaailkii reer Somaliland furfurmeen oo Darafyadii caddaysteen inay San ahayn Somaliland oon waxba looga ogolayn, sheegayna in Beeshii dhexe ee isku SNM ahaan jirtay kala dhaqaaq een Dawlad ay wada leeyihiin a aanay jirin maanta ee Colaad huursani dhextaal oo rajo ka muuqan Xukuumadda Kulmiye oo caddaalad eed. Waxaa a lagu jeesjeesaa sharciga wadanka oo dad aan wax ay sameeyeen jirin baa Xukun Qarqooshkii Beri Masar KA jirijiray lagu xukumay oo la yidhi lacag dhan £650000 ha bixiyaan. Waa wax aan hore loogu arag giyiga Somalida waana arin Ictirrafka Somaliland ku naaloonaysa ka hor imanaysaa waayo waa qaali Xukun. Xukun Qarqooshkii Masarbaa waxaa Kiisaskiisii kanoo kale ahaa ka mid ahaa: Ninbaa nin faash ku DHUFTAY markaasaa maxkamaddii la keenay kiisii oo markhaatiyadii u dhan yihiin  MARKAASAA XAAKINKII YIDHI YAA SAMEEYEY FAASHKA WAX LAGU DHUFTAY, HA LA SOO QABTO NINKII FAASHKA SAMEEYEY, NINKII FAASHKA WAX KU DHUFTAYNA HA LA SII DAAYO. imika Xukunkaa dadka lacagta aan la garanayn laga rabo Xukun maaha ee waa dadku caddaalad ha ka quusto waana DHAQAN bedel soo socda oo la ina sii tusayso.
Arinta kale ee jirtaa waa xidhiidhka dhex MARAY Somalia iyo Ethiopia iyo Is edelka Geeska ah oo Xuduudihii la isu furayo iyo wax kasta Taladunaka goayso Ethiopia iyo Dawladda Federalka maamul goboleedyona meesha ka baxayaan. Markaa DHOWAAN warar badan baa ka soo baxaya Wasaaratul khaarajiya Ethiopia.
Kulmiyena Siyaasaddii jeegaanta ahayd ee ay ayaamo la birinbirqeeyeen bil seddex Bay ka noqotay dadkii u food ay a Fartay dhexda ka qaniineen reer Saaxil ha ugu horeeyaane.
MBashe

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker