Cudurka Coronavirus oo si muuqato ugu faafaya Magaalada Muqdisho

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka waxaa dalka ku soo laba kacleeyay fayriska Corona, xilli aanay kuba baraarugsaneyn bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho.

Foosiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka Somaliya ayaa sheegtay in xanuunka uu dalka ku soo laba kacleeyay, ka dib markii sida ay sheegtay uu aad u faafay laga bilaabo 1-dii bishan. Wasiiraddu waxay kaloo sheegtay inay isa soo tarayaan kiisaska la diiwaangelinayo iyo weliba dadka u dhimanaya xanuunka.

Wasiiradda ayaa xustay in cudur dilaac cusub ee Coronavirus uu ka faafid ogyahay midkii hore, iyadoona bulshada ugu yeertay inay ka taxadaraan faafitaanka xanuunka, kana qayb qaataan dadaalada ay tahay in looga hortaggo faafitaankiisa. Wasiirad Foosiya maysan cadeyn in dalka laga helay nooca cusub ee Coronavirus iyo in kale.

Agaasimaha Isbitaalka Martini ahna madaxa la dagaalanka xanuunka COVID-19, Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Axmed ayaa muujiyay inay jiraan dad badan oo xanuunka qaba, isla-markaana la dhigay isbitaalkaasi.

Dr. Cismaan Cabdi Cali oo ka mid ah dhakhaatiirka ka hawlgasha Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in xanuunka uu ku soo laba kacleeyay magaalooyinka waaweyn ee dalka.

“Way muuqataa hadda inuu jiro dib u laba kacleyn xanuunka COVID-19 ah, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, sida Caasimadda. Waxayna arrintaasi ka muuqataa bukaanada la soo il-darnaanaya xanuunka ee la keenayo isbitaalada. Tirada baaritaanada ay shaybaarada ku sameeyeen bukaanada waxay ku tusineysaa inay dad badan oo xanuunka qaba jiraan, taas ayaa waxay ka dhigeysaa in loo arko inuu jiro dib u laba kacleyn xanuunka ah.” Ayuu yiri Dr. Cismaan Cabdi Cali

Jacfar Maxamed oo ka mid ah bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in saamaynta xanuunka laga dareemay magaalada, haddii xanuunka laga helay qaar ka mida saaxiibadii.

“Maalmahaan magaalada waxaa ku soo badanayay hargab xun oo uu wato xanuunka iyo astaamo aan horey loo arkin, sida qandho saa’id ah iyo qofka uu ku dhaco oo cuntada ka sooma ama aan qaadan karin. Dad badan oo saaxiibey ah ama aan shaqo wadaag nahay ayuu cudurkan haleelay, waxa ayna la jiifeen dhawr maalmood, welina magaalada waa uu ka jiraa, bulshadana waa ay isku dhex milan tahay, sidoo kale ma jiro afxirashadii iyo dadaaladii kale.” Ayuu yidhi Jacfar Maxamed

Iyadoo ay isa soo tarayaan digniinaha ka dhanka ah faafitaanka xanuunka ayaa waxaa haddana muuqata inaanay kuba baraarugsanayn bulshada.

Xafiiska Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada qorshe dadka looga wecyigelinayo xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno.

Rooble ayaa Sabtidii shir guddoomiyay kulan looga hadlayay ka hortagga, la tacaalidda iyo ka wecyigelinta bulshada ee faafitaanka xanuunka.

Dib u soo laba kacleynta xanuunka ayaa imaanaya, iyadoo dalka Kenya laga diiwaangeliyay nooca cusub ee xanuunka, saddex toddobaad ka hor. Kenya waxay noqotay wadankii ugu horeeyay ee Geeska Afrika dhaca ee diiwaangeliya dilaaca cusub ee Coronavirus.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker