Masuuliyiin xukumada ka mid ah oo iska xaadiriyey xisbiga Ucid

Ololaha Murashixiinta oo maraya halkii ugu darnayd ka dib markii masuuliyiin ka mid ah xukumada iyo xisbiga kulmiye lagu dhex arkay xisbiga Ucid
Wasiir kuxigeenka xanaanada xoolaha marwo Yurub Abiib Maareeyaha Haamaha kaydka shidaalka Xasan Ambesy Maxamed Xuseen Faarax Cadaani oo ka mid ah saraakiisha wasaarada warfaafinta iyo Khadar Nuur oo isna ka mid ah Saraakiisha wasaarada Shaqada iyo Arimaha bulshada.
 Ayaa  olole ka dhan ah xisbiga kulmiye iyo xukumada ka bilaabmay Xisbiga Ucid, arintan ayaa ka dhalatay ka dib markii xisbiga kulmiye uu saluug ka muujiyey
Xulistii Murashixiinta golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee beesha ayuub oo masuuliyiintani oo isku Jufo ka soo jeedaa ay soo xuleen xubno aanay beesha ayuub u dhamayn.
Maareeye Xasan Ambesy iyo Wasiir Yurub Abiib  iyo xildhibaan Obsiiye  ayaa dhaqaale lacageed oo badan u adeegsadey kala qaybinta beesha iyagoo isku dayey inay murashixiinta beesha ka dhigaan isla jufadooda.
Labadii Bilood ee u dambeeyey ayaa  maareeye Ambesy iyo Wasiir Yurub Abiib waxay geed dheer iyo geed gaabanba u fuuleen inay beesha ku sanduleeyaan murashixiinta Maxamed Xasan Siciid oo u taagan golaha wakiilada iyo Maxamed xuseen Faarax cadaani oo u taagan golaha deegaanka.
Hase yeeshee waxay beesha ayuub kaga jawaabtay inay murashixiinta  Eng Faysal Boqor Cali Xuseen iyo garyaqaan Idiris inay u sharaxaan golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee gobolka maroodi jeex.
Murashax Maxamed xuseen Faarax Cadaani oo ka mid ah saraakiisha wasaarada warfaafinta isla markaana u sharaxan golaha deegaanka ayaa ah mid xad gudub ku ah xeerarka shaqaalaha dawlada
Sidoo kale khadar Nuur oo ka mid ah saraakiisha wasaarada shaqada iyo Arimaha bulshada ayaa si weyn ugu dhex muuqda ololaha hawsha murashixiinta ee ka dhex socota xisbiga Ucid.
abdale siciid

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker