Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Oo Kulan La Qaatay Safiirka Shiinaha Ee Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya H.E. Qin Jian.

 

“Waxaan ku faraxsanahay in aan kulan wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadeedka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya aan la yeeshay Safiirka Shiinaha u fadhiya Muqdisho H.E. Qin Jian.”ayuu yidhi Wasiir Bayle

 

Mudane Abdirahmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in Dalka Shiinaha uu yahay taageero muhiim ah iyo saaxiib xidhiidh taariikhi ah la leh Soomaaliya.

 

Dowladda Shiinaha ayaa kamid ah Dowladaha xiriirka fog la leh Soomaaliya, iyadoo Dalka ka fulisay Mashaariic waaweyn kuwaas oo ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed waxtar weyn u leh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker