Baarlamaanka Somaliya oo maanta qaadaya talaabadii ugu horreysay ee wax-ka-bedelka dastuurka

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta yeeshaan dooddii ugu horreysay ee la xiriirta wax-ka-bedelka dastuurka.

Guddiga madaxa banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa soo bandhigay ilaa afar cutub oo ay soo-jeedinayaan in wax laga bedelo, kuwaas oo ah afarta ugu horreysa ee dastuurka.

Waxaa ka mid ah kuwa muranka ka taagan yaha ee la xiriir hab-dhiska dowladda iyada oo lasoo jeediyay in loo guuro hanaan madaxweyne iyo madaxweyne xigeen meesha ka saaraya xafiiska Raysal wasaaraha, labo xisbi oo ay Soomaaliya yeelato, iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah.

Qorshahan wax-ka-bedelka dastuurka oo kasoo dhex baxay heshiiskii Madasha Wada Tashiga Qaran ee dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada waxaa diiday oo dhaleeceeyay madaxweyneyaal hore oo uu ka mid yahay Shariif Sheekh Axmed, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, iyo Raysal Xasan Cali Khayre, iyo siyaasiyiin kale oo uu ka mid yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Waxaa sidoo kale qorshahan kasoo horjeeda dowlad goboleedka Puntland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker