Wasiirkii hore ee Arrimaha Debedda Somalia Yuusug Garaad oo dhaliilo waawayn huwiyay Xukuumadda Madaxwayne Farmaajo

Muqdisho (OWN) ― Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa ka hadlay War-saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka ay ka soo saartay Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Yuusuf Garaad ayaa waxa uu sheegay in uu bogaadin lahaa haddii Dowladda Federaalku ay hal Warqad ku xalin kareyso muranka kala dhaxeeya Maamul goboleedka Galmudug iyo weliba muranka ka dhex-taagan gudaha maamuladaasi.

Hadalka Yuusuf Garaad ayaa u muuqda mid uu ku dhaliilayo sida ay Xukuumada Farmaajo maare ugu weyday xalinta khilaafka kala dhaxeeya maamul goboleedyada dalka.

Yuusuf Garaad ayaa arrintan kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhigna sidan:

Waan bogaadin lahaa Dowladdu haddii muranka iyada kala dhexeeya Galmudug iyo Jubbaland, iyo muranka mid kastaba gudaheeda ka jira ay ku xallin kari lahayd hal warqad oo ay kasoo saartay Caasinadda Muqdisho .

Laakiin waxaan markaas Dowladda ku dhaliili lahaa soo daahidda waraaqda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker