Madaxweyne Muuse Biixi Cabdoow Abtiyaasheen Tabashadooda Hoos u dhugo

M.WEYNE  MUUSE CABDI BIIXIYOW ABTIYAASHAAN  BEESHA GARXAJIS QADIYADDODA HOOS U DHOGO OO DHAGAHA U RAARICI OO HA DHAYALSAN OO WAX KASTABA KA HOREYSII  ,WAA BEEL-BALAADHAN OO QADARIN WEYN  MUDDANE.
Waxa ay dalbanayaana waa wax ay xaq u leeyahiin oo gar ah oo ah S/land  ( ha noqoto mid la wada leeyahay ,)dheefteedana  loo siman yahay.  Waxana aan aminsanahay  In Danteena guud halkaasi ku jirto!!!
Anigoo Haldoor Rashid Sulub Caalin,waxaan M,weyne halkani kuugu soo gudbinaay , Talana kugu  soo biirinaayo,maadama qof kasta  oo wadani ah xaq u leeyhay in Taladda Dalkeena uu ka qayboqaato  si fayowbad ah  .Taladdasi oo ah mid aan aminsanahay in wanaag badan dhalindoonto ,haddii Alleh yidhado,waxana weeye sida la wada ogsoon yahay Muddo 2-3 ,bilood  horteed ah ay Beel-weynta Garxajis ay Shir balaadhan dalka gudihiisa ku qabsadeen,taasi oo ay kaga arrinsanayeen Danaha Beeshooda. Qurbajoog iyo qoqol joogba,Madaxdhaqameed,Culimo Diin,Aqoon yahay, Mujaahidiin, dhalinyaro,Waayeel Rag iyo Dumarba si weyn aya ugu soo qayb galeen.
Waxaana ka soo baxay Go’aamo waaweyn oo ku wajhan Beeshooda gudaheeda iyo kuwo  kale oo Dawladda S/land  ku wajhana ,oo gundhigood u ahaa Xaq Darooyin iyo Garbin lagula kacay oo ay ka cabanayeen.,waa sida ay u arkaane.
Illaa maanta sida an rajeynaayo M.weynu arrintaasi wali uma gacan bixin ogaanshahay.Soomaalidu waxa ay tidhaahda CARUUR-CAUUR AN LA CIYAARIN BA JIRTA.Garxajis cidla lama dhigi karo ,kuwa isku dayayana wa wax magarato,marka lagu xisaabtabo Kaalintii Xoreynta dalka ay ka qaateen,Dhulka baaxadiisa ay daggan yahiin,Ganacsidyadooda,Suugaanyahanadooda,kaalinta Hormarinta dalkeena  ay ka jiraan,wadaninimadooda,Ilbaxnimooda,Geesinmadda,dul-qaadkooda, Culimaddoda Caan ka ah iyo Hantidoodba. Raggi ka dhashay  beeshaashi oo qiimo weyn lahaa oo uu, ka mid ahaa Alleh ha u naxariis wax ka mid Seedigay Maxamuud Cabdi Caraaleh oo an Gurigiisa ku soo koray iyo kuwan kale Yusuuf X.Adan,Illma mooge,Awawgey Hooyo Suldan Xirse(Reer Suguleh Bahadiiriye)Ayaydey Dahabo adan Nuur oo Reer Guleed  Ciidagale, Nasir Naxar.X.Adan Baradho.Cabdiraxam Tuur .Maxamuud Ahmed Cali oo ahaa Father of educion oo qof uu wax u dhigo aniga anigu ugu danbeeyay,isgoo da ah Gurigiisa, X.Yusuf Iiman,Dhan-ileeye, X.Af-qalooc, Muuse Ali faroor,X.Basbaas,macaalinkaygii  Shaqadda Bankiga an ka bartay Cabdiraxaam Ducaali iyo kuwo kale oonan halkan ku soo koobi Karin dadkeenu waa dad iswadda dhalay,xigto ah oo siyaalo baddan iskugu xidhan, sidaasi an isku soo qaatay masalka  halka aan ka soo jeedo anigoo ah waxan ah,Sacad  Muuse,Nuux ismaacil.Tani  waxaan ugala ugula jeeda in aan marna la  kala go’i Karin. Sidoo kale bulshadeena waxaan ku boorinaya in la is-dhexgalo oo la kala Guursada.
 UGU DANBEYNTII WAXA SOOMALIDU KU MAHMAHDA TOLO ADDA KU NOOLEE  EE IYADU KUMA NOOLA  M.WEYNE WAXAN KUGULA DARDAARMAYA INAAD SI DHAKHSO  LEH QADIYADDSAI MEESHADA KU HABOON AD DHITID EE SUURTAGAL AH OO ADAN DHAYALSAN,KANA MASHQUULIN,WAAYO WALAAHEEN KAMA  MAARMI KARNO,IYAGUNA INAGAMA MAARMI KARAN ILLAAHAY BA ISKEEN BADAY. HADALKA HADDAN SOO  KOOBO,SIDOO KALE BEESHA GARXAJISNA  WAXAN KU BOORINAYA IN RAGGOODA & DUMARKOODA  LIBAAXYADDA AHAA EE GALAANGALKA DAWLADAHA IYO QAYBSIGA DHEEFTA WADDANKEENA YAQAANEYA IYO SIYAASADA ARRAGTI FOG LEH IN AY  AY SAFKA HORE SOO MARIAAN,OO AYSAN ISKU LABO-DIBLEYNIN XANUUNKA  JEEGAANTA LOOGU MAGACADARAY EE SIYAASI DAN GAARAH LEH SOO SAARAY IYO WAXII KU KEENAYA FAQUUQ!!
F.G. Sida aad igu tagaanan waxa saliim ka ahay Qaabyaalad,Kooxeysi,Nin-jecleysi ,Dhuuniqaate.
Qoraa,Hadoor, Mufakar,Daaci,Sama-fale,Musharaxa Maayirka Hargeysa ee Mustaqbalka Rashid Sulub Caalin  E-maal-sulub2007@yahoo.com..tele telsom 4426781.Somtel 065442781.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker