Immisa Saacadood ayaa Maalintii Kaaga Luma Internetka?

Dadka ilaa hadda ka qayb qaatay codbixinta ku saabsan waqtiga ku luma internetka ayaa tibaaxay in ay maalin waqti badan kaga lumo dhex-mushaaxa internetka.

Codbixintan  waxay muujineysaa in dadka badankoodu ay internetka ku lumiyaan celeclis ahaan 7 saac, 4 saac, iyo 2 saac.

 

Codbixiyaasha badankooda da’doodu waxay u dhexaysaa 18-jir ilaa 58-jir, waxaase ugu badan da’da ka yar 35-jirka.

Waxaana badankoodu joogaan Muqdisho, Hargeysa, Kismaayo, Gaalkacyo, Garoowe, Buurtinle, Baydhabo, Godey, Jigjiga, Turkiga, Dubai, Qadar, Kenya, iyo Yurub magaalooyin badan oo kamida.

Waxayna sheegeen websiteyada ay waqtiga ugu badan ku bixiyaan inay yihiin Facebook, Youtube, iyo WattsApp.

Shaxda hoose waxay muujineysaa boqolkiiba inta saacadood ee ku luma Internetka.

 

 

9.8% — 1 saac ama ka yar
24.4% — 2 saac
9.8% — 3 saac
19.5% — 4 saac
7.3% — 5 saac
29.3% — 7 saac ama ka badan

Mohamed Ali

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker