” “Xukuumadda JSL waa inay gacan bira ah wax kaga qabataa dagaalkan uu soo noq-noqdaye ee SOOL”

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanka Dhoomay, waxaanu baaq nabadeed u diray labada Beelood ee dagaalku dhexmaray, waxaanu Xukuumadda ugu baaqay inay gacan bir ah ku qabato cid kasta oo fidno iyo cadawaad wada.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin,  ayaa soo jeediyey in qaabkii loo xaliyey colaadii Beelaha Ceel-afweyn, in iyana loo xaliyo colaada labadan Beelood ee Dhoomay, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Xukuumaddu waa inay gacan bira ah wax kaga qabataa dagaalkan uu soo noq-noqdaye, ee waa in si dhab ah loo waajaha, oo heshiiskii ka dhacay Ceel-afweyne oo kale waa in loo soo gabagabeeyaa, Ciidamaduna waa inay doorkooda qaatan si aanu dagaalkani mar dambe u soo noqon, labadan Beeloodna, waa laba Beelood oo is dhex degan, oo guri guri isku dhex degan, waana laba Beelood oo is dhalay, oo wada dhashay, waxaana odhan lahaa dagaalka joojiya, caqliguna ha shaqeeyo, cahdigii qorigu uu dhammaday, caqliga ayaa shaqeeyanaya, caruutiina qaliga u dhiiba, oo wax ha bartaan, jahliga ka saara, aniga laandheera ah iyo aniga reer hebel ah waa dhaqan xune ha laga ilbaxo, oo caqligu ha ka shaqeeyo, sidii Ceel-afweyn loogu gurmaday labadan beeloodna ha loogu gurmado, oo si dhaba oo ficil leh wax ha looga qabto”.

Mar uu Bulshada baaq u diraayey ayaa yidhi “Cid kasta oo ka qayb qaata fidno, dagaal iyo cadawad, waa dambiilayaal,runtiina aad baan uga xumahay dagaalkan keenay dhaawaca iyo dhimashada, ee dhexmaray, Beelaha walaalaha, ee is dhalay, ee wada dhashay, ee isku waalidka ah, ee wada degan, waxaana leeyahay ALLE ka baqa, oo ALLE ka cabsada, oo dhiig dambe ha kala daadinina, oo colaada nabada ku bedesha, dagaalkana heshiis iyo walaaltinimo ku bedesha, wax kasta oo fidnimo keenayana ka dheeradan, oo nabada si dhab ah u qaata, oo hehiis waara gala, oo baaqyada kala duwan ee idiin soo gaadhaya qaata”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker