Sidee Qofka COVID-19 laga helay loogu Daryeeli karaa Guriga?

Sida aynu lawada socono todobaadkan waxa kor u kacay tirada dadka laga helayo xannuunka COVID-19 iyo dadka la xaqiijiyay in ay u dhinteenba. Waxa hubaan ah in tiro tobanaan jeer ku libin laabanta tirada ilaa hada la shaaciyay ay fayraska siddo, amaba ay ka bogsatay iyadoo wax calaamado ah aanay kasoo if-bixin. Duruufahan oo kale waxa loo baahan yahay in qofkastaa ogaado wixii uu yeeli lahaa hadii uu isaga shakiyo in uu qaaday xannuunkan COVID-19 ama qof la nooli uu qaaday. Maxaa kula gudboon ee aad naftaada ku baxnaanin kartaa amase qofkaas qoyska ah aad ku caawin kartaa inta uu bogsanayo. Waa in aynu ogaano in 85% dadka fayraska qaadaa ayay bilaa astaamo yihiin, 10% in astaamo aad u fudud ay isku arkaan kuwaas oo ku bogsada mudo todobaad kusiman. Halka in ka yar 5% ay u baahdaan in xarun caafimaad lagu daryeelo. 

 

Sidaa darteed qofka guud ahaan caafimaadkiisu wanaagsan yahay ee laga helo fayrasku waa in aanu isku buuqin oo culays nafsi ah isku abuurin, waa in uu aamino in uu xanuunka ka bogsanayo. Waana inuu  raacaya dhamaan tallooyinka xakamaynta Fayraska si uu u badbaadiyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa iyo bulshadaba.

Talooyinkan degdega ah waxay ka kooban yihiin xogtii ugu danbaysay ee kasoo korodhay maaraynta COVID-19, waxaana loogu talo galay inay hage u noqoto hay’adaha ka hortaga iyo xakamaynta caabuqa, xirfad la’yaasha caafimaadka, iyo maamuleyaasha hay’adaha caafimaadka marka ay maaraynayaan bukaan looga shakiyay in uu hayo xannuunkan COVID-19, amaba bukaanka lagu arkay astaamaha xannuunka oo khafiif ah iyo dadka uu xidhiidhka tooska ah la yeeshay. Dadka daryeel bixiyeyaasha ah ee talooyinku ku socdaa waa dadka qofka buka u ah qareenka dhow; sida xaasaskooda, caruurtooda, waalidiintood iyo cidii kale ee kaalmo toos ah ufidinaysa qofka buka meelna kula nool.

Goorma ayuu qofku guriga isku baxnaanin karaa?

Ururka Caafimaadka aduunta (WHO) waxa uu ku talinayaa in qof kasta oo shaybaadh sax ah lagu xaqiijiyay in uu qabo xannuunka COVID-19 in la karantiimeeyo laguna daryeelo goob caafimaad oo qalabaysan. WHO waxay ku talinaysaa qofkasta oo laga shakiyo in uu xanuunkan qaaday islamarkaana ay ka muuqdaan astaamaha aadka u daran ee COVID-19 (severe acute respiratory symptoms) waa in xaaladiisa si buuxda loogu qiimeeyaa xarunta ugu horaysa ee adeega degdega ah lana siiyaa daawayn degdega ah (emergency treatment).

Marka ay jiraan duruufo adag oo aan suurto gelinayn in dhammaan dadka xannuunka looga shakiyay lagu wada karantiimeeyo xarun caafimaad, waa in doorka koobaad la siiyo dadka aan kasoo kaban karin daryeel caafimaad la’aan: dadka qaba xanuunada raaga sida macaanka, xannuunada wadnaha iyo dhiig karka, xannuunada neefsiga, kansarrada, kelyo xanuunka, iyo kuwa la midka ah.

Dadka astaamahoodu ladifan yihiin isla markaana aan lahayn wax khatar caafimaad oo culus waxa lagu karantiimayn karaa xarumaha dowladu u gaaryeeshay xannuunka covid-19. Hadii  aanay jirin xarumo adeegoodu fiican yahay oo loogu tallo galay karantiimaynta bukaanka fududi waxay isku karantiimayn karaan guryahooda iyagoo ilaalinaya borotakoolka karantiimaynta dadka buka.

Shuruudaha Isku karantiimaynta Guriga.

Qofka xannuunkiisu fudud yahay ama aan lahaynba wax astaamo xannuun ah looma baahna in cusbitaal lagu karantiimeeyo. Qofkaas waxa lagu baxnaanin karaa gurigiisa hadii la helo cid sifiican u daryeesha oo xaaladooda la socota. Sida ay tilmaamayaan daraasada ilaa hada soo baxay, dadka aqoontoodu sarayso isla markaana awoodooda dhaqaale fiican tahay ayaa sifiican uga faa’iida karankiimaynta guriga sababta oo ah waxay fahmi karaan dabeecada xannuunka COVID-19, sida lagu kala qaado, astaamihiisa, sida la isaga ilaaliyo, goorta ay tahay in qofku raadsado talo dhakhtar oo degdega ah iyo halka uu ugu hagaagayo.

Waa in sidoo kale qofku heli karaa agabka caafimaadka ee ka mid yihiin saabuunta ama isbiirtada gacmaha lagu nadiifiyo, maaska afka lagu xidho, agabka guriga lagu nadiifiyo iyo qol isaga u gaar ah oo aan cidkale la wadaagin. Waa in qofku xidhiidh la leeyahay dhakhtar dusha kala socda oo hadii loo baahdo degdeg loo heli karo. Mudada qofku guriga isku karantiimaynayaa waxay ku xidhan tahay ilaa inta astaamaha xannuunku ka suulayaan shaybaadhka laga qaadaana sheegayo in fayraskii jidhkiisa ka baxay.

  1. Waa in qofka lagu hayo qol hawo fiican leh oo daaqaduhuna waa in ay furnaadaan.
  2. Waa in qofka karantiimaysan hal qof u adeego, qofkaasina markasta xidhnaado agabka la isku ilaaliyo.
  3. Qofka waa in loo sameeyo weel keliya oo uu wax ku cuno, weelkaasna waa in aan lagu dhex dhaqin weelka kale ee guriga.
  4. Waa in si joogto ah loo masaxo meelaha taabashadu ku badan tahay, sida handaraabka albaabka iyo wixii la mid ah.

 

Astaamaha Tilmaamaya Khatar:

Hadii qofku isku arko astaamahan soo socda waa in uu dhakhso ula xidhiidho dhakhtar.

  1. Qofka oo uu ku adkaado neefsigu
  2. Kaar joogto ama cadaadis uu ka dareemo laabta
  3. Dawakhaad iyo isagoo wax kala garan waaya
  4. Qofka oo awoodi kari waaya in uu tooso ama soo jeedo
  5. Dibnaha iyo wajiga oo

Ugu danbayn, xannuunkani inta badan waa astaamo fudud yahay. Khatartiisu waxay ka timaadaa sida degdega ah ee uu u fido iyo dadka badan oo bulshadeena ah oo u jilicsan, gaar ahaan dadka da’da ah iyo kuwa xannuunada kale gaba. Isku day inaad kuwaas, oo ah dadka inta inoo qaalisan ee aynu jecelnahay, badbaadiso.

 

Dr Abdikarim D Hassan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker