Hay’adaha Qaramada Midoobay oo qaylo dhaan ka soo saaray xaaladda cakiran ee Qasa

Madaxda dhammaan hay’adaha waaweyn ee Qaramada Midoobay ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay ku baaqayaan “xabad joojin degdeg ah oo bini’aadantinimo” iyagoo muujiyay muhiimadda ay leedahay arrintaan ah in xabadda la joojiyo.

“Ku dhawaad hal bil, dunidu waxa ay isha ku haysay xaaladda ka soo cusboonaatay Israa’iil iyo dhulka falastiiniyiinta ee la haysto iyaga oo argagax ka muujinaya tirada is-daba jooga ah ee ku dhintay colaadda,” ayay ku yiraahdeen madaxda Qaramada Midoobay qoraalka ay soo saareen.

Madaxda hay’adaha ay ka mid yihiin UNICEF, WHO, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee WFP – iyo sidoo kale hay’adaha samafalka sida Save the Children – ayaa ku tilmaamay “wax aad looga naxo” khasaaraha nafeed ee soo kala gaaray labada dhinac, waxayna dalbadeen in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo la haystayaashii ay Xamaas afduubatay tan iyo 7-da bishii Oktoobar.

Warkan qaylo-dhaanta ah ayaa intaa ku daraya in dad badan oo rayid ah lagu dilay Qasa, taasi oo hay’adahu ku sheegeen in ay tahay wax aad looga xumaado, sidoo kale waxaa laga jaray 2.2 milyan oo Falastiiniyiin ah cunto, biyo, daawo, koronto iyo shidaal.”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker