Hanaanka Doorashoyinka Dunida W/Q Caynaan Farax Caynaan

Doorashooyinku, waa hanaan bulshadu ku go’aamiso ama ku doorato cida iyaga u matali lahayd niddaamka dawladnimo.

Doorashooyinku, waxa ay ahayeen hanan ka mida mataladaha dimuquradiyada casriga ah tan iyo iyo intii la bilaabay qarnigii 17aad.

Doorashooyinku, waxa ayna siiyaan cashiro muwaadiniintu ay ku xaqiijiyaan masuuliyadooda iyo rabitanka in la helo dawlad dimuquradiya oo u adeegta rabitaanka shacabka.

Waxa ay sharciyad siiyaan cida matalaysa bulshada iyo awooda dowladnimo.

Hadaba, haddii la waayo ama anay jirin doorasho waxa ay la mid tahay in aanu jirin tartan loo galo cidii bulshada matali lahayd iyo sharciyada dawladnimo.

Doorashooyinku, waa hanaan ay bulshadu ku doorato cidii iyaga matali lahayd lehna wakhti go’an oo mudaysan una dhexeeya xiliga la doortay iyo xiliga ay kaga eegtahay wakhtigaasi, wana niddaamka ay isku badalaan masuuliyiintu oo ay nabad galyo weheliso kuwii la doortay mar hore iyo kuwa markaa la doortay.

 

Qore: Caynaan Farax Caynaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker