Toolmoonow Macallinkii

Waa arrin dabiici ah inaynu wada jecellahay inay waxbarasho tayo leh ubadkeennu helaan. Haddana waxaynu ognahay inaanay ardayda imtixaannada waxbarsho kaalmaha sare gashaa dooran inay macallimiin noqdaan! Waxaynu iyana ognahay in aynaan ummad ahaan mihnadda Macallinka ula dhaqmin mudnaan iyo karaamo sare oo aanay dawladda iyo dadka midna ka helin daryeel fiican.

Marka ay saddexdaa arrimood yihiin xaqiiq biyo kama dhibcaan ah, miyeynaan hagran da’yarteenna la rabo inay dhisaan dal hore u maray oo dunida la jaan qaada oo hubkii ay ku dagaal geli lahaayeen (waa aqoontiiye) quudhi waayin inaynu u diyaarinno?

DAARO QURXOON DAD QURXOON BAA KA ROONE waxa lama huraan ah inaynu la nimaad fikir cusub oo lagu tayeeyo aqoonta oo MACALLINKU udub dhexaad u yahay. Si taa loo helo waa in mudnaan weyn la siiyaa daryeelka iyo tayaynta macallinka iyo madalaha aqoonta, loona diyaariyo agab waxbarasho oo dhammays tiran.

Dadkaygu tusmay cugteen
Hir dheer bay tiigsadaan
kobtaa sida loo tagaa
Tacliin wacan way rabtaa
Tayiyo waxay doonaysaa
Dhallaankoo taabba gala,

Haddana tiirkii dhexaad
Toolmoonow macallinkii
Ha joogto wax loo taree
tusaalaha laguma daro!

Maxaa taladii gurrcay?
Xaggee runta looga tegey?

Garaadku haddaanu talin
Haddaan garashadu tallamin
BARAHA taaj lagu xurmayn
Kuwii ina toocsan jiray
Tunkeenna ku xoogsan jiray
Tabcadi way nala heleen…

 

Ali A Awale

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker