Doorashooyinka Isku-sidkani waa Tijaabo kale oo ku Wajahan Dimuqraadiyadda Somaliland

Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay u jihaysatay dhinaca doorashooyinka, waxaanay 31-ka Bisha May ee sannadkan shacbigu u dareerayaan doorashooyinkii u horreeyey ee isku sidkan ee Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaasi oo sumcad horleh u soo jiidaya xiddignimada dimuqaariyadda Somaliland.

Waxaa Xukuumad, Komishan iyo xisbiyada qarankuba ay gacmaha isku qabsadeen sidii ay doorashooyin dimuqraadi ahi uga qabsoomi lahaayeen dalka, kuwaasi oo mar kale caalamka u iftiiminaya hano-qaadka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland ku soo caano-maashay 19kii sannadood ee la soo dhaafay ee uu ka tisqaaday nidaamka xisbiyada badani, oo ay dalka ka dhaceen 6 doorasho oo hore oo dunidu ku tilmaantay qaar buuxiyey heerarkii iyo shuruudihii looga baahnaa doorashooyinka xorta ah.

Waxaa dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinkan isku sidkan intiisa badan dabartay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland oo u babac dhigtay inay dedaal u gasho sidii looga maarmi lahaa yaboohdii lacageed ee Qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ahi ku darsan jireen geedi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa juhdi weyn ugu jira sidii ay wakhtigii loo cayimay ugu qabsoomi lahaayeen doorashooyinku, waxaanay soo saareen liiska codbixiyeyaasha ka qaybgalaya doorashada Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 1,297,838 Qof. Waxa kaloo ay asteeyeen inay doorashooyinku ka qabsoomaan 1,642 goobood oo ku kala yaalla 23 degmo doorasho.

Ra’yul-caamka bulshada ayaa aaminsan in doorashooyinka oo si nabadgelyo ah inoogu qabsoomaa ay guul u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana si gaar ah libteeda ugu suntanaan doona Madaxweyne Muuse Biixi oo mudnaan weyn siiyey sidii mar loo wada qaban lahaa doorashooyinkii dhaqaalaha badani dalka kaga bixi jiray, oo hirgalkeedu noqonayo tijaabo lagu guulaystay oo mustaqbalka lagu shaqeyn doono.
Mr. Michael Rubin oo ah khabiir iyo xeel-dheere millatari oo u dhashay Maraykanka ayaa qormooyin uu ku daabacay warbaahinta caalamiga ah, waxa uu Jamhuuriyadda Somaliland ku sifeeyey hoyga nabadda iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, waxaanu ka marag kacay in gedi-socodka dawladnimo iyo dimuqraadiyadeed ee Somaliland uu yahay mid cago adag ku taagan oo la isku haleyn karo.

Geesta kalena, Suxufiga caalamiga ah ee Raage Oomaar ayaa Bartiisa Twitterka kaga hadlay doorashooyinka Somaliland, waxaanu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay heshiis la gashay xisbiyada mucaaridka iyadoo aan wax farogelin ah aanay ku lahayn beesha caalamku. Waxa kaloo Raage Oomaar uu ku bogaadiyey Somaliland in xukuumaddu ay maalgelisay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka.

Sidaas daraadeed, Doorashooyinka Somaliland ayaa farriin cad u ah farqiga u dhexeeya Somaliland oo dimuqraadiyadeedu gaamurtay iyo Soomaaliya oo ku guuldaraysatay isku-dayadeedii la xidhiidhay inay gasho doorasho, taasi oo sida xunbada u soo gudhay islamarkaana uu Madaxweyne Farmaajo Baarlamaanka ka ansaxday muddo kordhin 2 sannadood ah oo ay ka horyimaadeen murrashaxiintii la loolamaysa iyo qaar ka mid ah Maamul-goboleedyada ka jira dalkaas colaaduhu ragaadiyeen.

Ugu dambeyn, waxa Somaliland ahaan inala gudboon inaynu sii xoojino dimuqraadiyada inoo meelmartay oo laga dhawro wixii dib u dhac ku keenaya in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii dastuurku jideeyey oo ah in Gole kastaaba xilka hayo muddo shan sannadood ah.

 

Qore: Cumar Maxamed Faarax

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker