Theresa May Raysal Wasaaraha Uk oo Booqasho ku Tageysa Dalal Ku Yaal Qaaradda Afrika.

Ra,isul wasaaraha Ingariiska Theresa May ayaa isbuucan safar ku tagi doonta dalal ku yaal qaarada Africa tan iyo markii ay xilka qabatay  sanadii 2016-kii.

Socdaalkan ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo Uk ay ku gudo jirto waqtigii ugu danbeeyay ee ka bixitaankeeda midowga yurub.

Marwo May ayaa waxaa socdaalkeeda ku wehlin doona xubno ka tirsan golaheeda wasiirada 29 ruux oo ka tirsan ganacsatada dalkaas inta ay ku gudo jirto booqashada ay ku tageyso koonfur Africa, Nigeria iyo Kenya.

Warbixin ka soo baxday maanta aqalka Downing Street ayaa lagu xaqiijiyay booqashadan qaadan doonto sadexda maalmood oo ms May ku tageyso Africa.

Dhanka kale haweeneydaan ayaa Noqon doonta ra,isal wasaarihii labaad oo Ingariiska oo taga kenya marka laga soo tago Margaret Thatcher oo safar ku tagtay Nairobi sanadii 1988.

May ayaa sheegtay in Uk ay ku jirto xiliyadii ugu danbeeyay ee ka bixitaankeeda yurub loona baaahan yahay in heshiis Ganacsi ay la saxiixato dalalka caalamka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker