Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab oo gudaha u galay degmada Balcad
Jowhar (own) – Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Oodwaynemedia ayaa sheegaya in dagaalayahanno ka tirsan Al-Shabaab,
slamarkaana hubeysan ay saacadihii la soo dhaafay gudaha u galeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in raggan oo ay tiradoodu ay tahay 15 ay si dhuumaaleysi ah ku soo galeen degmadaasi, islamarkaana ay haatan jiro cabsi xoogan.
Sidoo kale waxa ay tilmaameen in ciidamada dowladda bandow ku soo rogeen Balcad, islamarkaana ay howlaglllo ka bilaabeen magaaladaasi.
Dhaq dhaqaaqa magaalada ayaa guud ahaan hakad ku jira, iyadoo laga cabsi qabo dagaal uu ka dhaco halkaasi.