Somalia iyo Sacuudiga Oo kala Saxiixday Heshiis Dhinaca Xujayda ah.(Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta & Arraha  Diinta JFS  Mudane  Sheikh Nur Mohamed Hassan & Wafdi uu Hogaaminayo oo maalmahan Safar shaqo ku joogay magaalada barakaysan ee Makka Al Mukarramah ayaa Shalay kulan la qaatay Madaxda Wasaaradda Xajka & Cumrada Sucuudiga.

 

Wasiirka wasaaradda Awqaafta & Arrimaha  Diinta ayaa xusay caqabadaha Sanadkii hore ay wajaheen xujayda Soomaaliyeed siday  Ula Kulmeen  Cidhiidhiga  Goobaha Teendhooyinka mashaacirta, Ciladaha gaadiidka gaar ahaan kuwa Lagu Tago Goobaha  Mashaacirta &  Dhibaato iyana ka jirtay Suuliyada oo aad ugu yaraa xujayda soomaaliyeed.

 

Wasiirka wasaaradda Cajka & cumrada Sucuudiga Dr. Mohamed Salah binu Dahir Bintan ayaa dhankiisa caddeeyay in dowladda Sucuudigu ay Xalinayso dhammaan caqabadaha uu xusay Wasiirka Awqaafta & Arrimaha Diinta  ee Somalia isagoo carrabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay xoojinta iskaashiga Wanaagsan ee labada wasaaradood.

Gabagabadii, labada wasiir ayaa kala Saxeexday Heshiis   Ku Tacaluqa dhanka Xajka Sanadkan iyadoo ay Wasaaraddu dalbatay  kordhinta qoondada Xujeyda  ka Imanaya Sanandka  Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker