DAAWO: Abwaan Laabsaalax Oo Raali-gelin U Diray Fannaanada Caanka Ah Ee Nasteexo Indho

Hargeysa (OWN)-Abwaan Laabsaalax oo maanta ka hadlaayey munasibad qado sharaf loogu sameeyey fannanada Farxiya Fiska ayaa waxaa uu raali-galin hawda u mariyey Fanaanada Nasteexo Indho oo uu sheegay in mar ay Hargeysa timid khalad lagu sameeyey.

Abwaan Laabsaalax ayaa sheegay in khaladkaas uu raali-galin ka bixinayo isla markaana ay diyaar u yahiin inay Nasteexo ka meedhaan khaladkaas oo Ay Hargeysa ku casuumaan.

“Nateexo Indho waxaad moodaa in ay Hargeysi ku ceebow-dey , Naxteexo waxaanu leenahay waxii dhacay xaal ka qaado , magaaladu waa magaaladaadii sida aanu Farxiya u soo dhaweynay baanu kuu soo dhaweynaynaa , hablaha Soomaaliyeed ee fanka ku jiraa Xurmo ayey naga mudan yahiin , adiguna anaga oo intii hore kaa meydhanya hawshaada waanu wey neynaa ..” ayuu yidhi Abwaan Laabsaalax

Halkan hoose ka DAAWO

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker