Sideed Ka Mid Ah Ciidamada Jubaland Oo Qarax Lagu Dilay.

Kismaayo-(OWN)-Ugu yaraan sideed askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaadhi ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan maamulka Jubaland.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in gabi ahaanba ay gubteen gaadhigii ay miinada la qaraxday, askartii saarnaa oo 8-askari lagu qiyaasay iyo hubkoodii.

Gaadhiga ay miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan kulamo ku aadan arrimaha ammaanka iyo doorashada Jubaland la qaadanayay bulshada ku nool Dhoobleey.

Saraakiisha amaanka Jubaland ee aagga Afmadow oo  lala xidhiidhay ayaa ka goobsaday inay faah-faahin ka bixiyaan qaraxa miino ee maanta lala beegsaday ciidamadooda.

Inta badan dhulka banaanka ka aha magaalooyinka ay ka arrimiyaan Ciidamada Jubaland waxaa ku sugan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab kuwaasoo xiliyada qaar Ciidamada jubaland la beegsada Qaraxyo Miino oo khasaare kala duwan dhaliaya.

19-kii bishaan ayay ahayd markii ay kooxda Al -Sabaab weerar isugu jiray Qaraxyo ismidaamina ah iyo weerar toos ah ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Jubaland iyo kuwa SNA ay ku lahaayeen deegaanka Baar Sanguuni ee Gobbolka Jubada Hoose, waloow duqeyn dhanka cirka ah oo ay Diyaaradaha Maraykanka ay la beegsadeen Maleeshiyaadkii weerarka gaystay looga dilay 52 ka mid ahaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker