Damalkii Nabadda: Ficiladii La yaabka ahaa ee uu sameeyay (AHN) Xaaji Cabdi Xuseen (Cabdi waraabe)

“Iyadoo saddex habeen, afartan bixii iiga hadhsan yahay, ayaa hooyaday igu tidhi aabbahaa ayaa la diley” ayuu yidhi Cabdi Waraabe.

Dagaal ka dhex dhashay, laba beelood oo ta Cabdi Waraabe yahay iyo mid kale ayaa sababay in uu ku dhinto Cabdi Waraabe aabbihii. Waxayna taasi sababtay in Cabdi Waraabe ku koro, agoonnimo.

Geeljirennimo ayuu 25 sano jir ku gaadhay, muddadaas kaddibna ayaa beeshiisii shirtay oo ku tashatay, in Xuseen oo Cabdi Waraabe aabbihii ahaa loo aaro, ee aan laga samrin. Waxayna ku taliyeen in inamadiisii oo Cabdi Waraabe ka mid yahay maadaama ay gaashaanqaad yihiin, aabbahood u aaraan, oo ninka diley nin ay ilmaadeer yihiin soo dilaan.

Kolkaas, ayaa afar nin oo Cabdi waraabe ka mid yahay, la diray oo qoryo loo dhiibay, si ay ugu soo aaraan. Waxay afartoodii socdaanba wax ay gaadheen ninka ay u socdeen, ee ay rabeen inay soo dilaan.

Goor casar gaabad ah ayay ku soo aadeen gurigiisii. Ninkii ayay is warsadeen oo waa isu sheegeen, raga ay yihiin, kolkuu uu weydiiyey waxa ay u socdeenna waxay u sheegeen inay ay ‘guurdoon’ ahaayeen.

Sidii marti xilli danbe socota lagu yaqaannay, ninkii waa soo dhaweeyey oo damcay inuu marti sooro, oo neef u qalo. Iyagoo duleedka ugu terrisaya hilibkii neefka loo qalay, ayaa roob soo curtay oo da’ay.

Dabadeedna Guri laba daryaale ah, sida Cabdi Waraabe sheegay ayaa loo banneeyey oo la fadhiisiyay si ay roobka uga jirsadaan ama uga galaan. Gurigii ayay galeen, iyagoo qoryahana xabbadu ugu jirto, oo ninkan marti sooraya ay rabaan in noloshiisa ku soo gebagebeeyaan, Iyana ceeb ka farxashaan sidaana aabbahood ugu aaraan.

Waa aqal miyi ee, aqalkii ay roobka ka galeen ayaa darrooray oo biyihii soo da’yey. Markaasuu ninkii martisooray weylaha saantooda oo la isku toltolay ‘hargawaalli’ ayaa loo yaqaane ayuu u keenay, si ay biyaha kusoo darroooraya isaga dhigaan, oo waa martiye dharkoodana aanay darroortu wasakhayn.

Kolkii roobkii in doora hayey, ee uu qaaday waxayba noqotay xilligii waagu soo dhawaanayey ee xoolaha la sii deynayey. Iyagana waa xilligii ay rabeen inay dilaan.

Markii ay isu baaqen, ee ay is ogaysiiyeen in xilligii la gaadhay, ayaa Cabdi Waraabe ku yidhi ‘waar qoryaha xabbadda ka bixiya, oo ninka darroorin inoo quudhi waayey miyaa aynu xabbad u quudhna, midda kale haddaan imika dilo aabbahay miyaan helayaa oo uu inoo imanayaa! Waar ninkan isaga ah ayaan aabbe ka dhiganayaaye qoryaha xabbadda ka bixiya ‘

Ninkii ugu weynaa ayaa ku yidhi:’nacasnimadaa waan kaa filaayey’ mid kale oo raggii la socday ka mid ahaa ayaa isna u jawaabay oo yidhi:’waar isagaa talada tubteedii ku jooga, oo kuwii ina soo diray qaar ma ahayne aynu qaadanno’.

Waxay talo rogrogaanba tii Cabdi Waraabe ayay isla qaateen, halkii ayay ninkii ku cafiyeen oo geelii iyo xoolihii la dareeriyeen oo weliba la waraabiyeen.

Barqadiina hilibkii iyo sooryadii ayay cuneen, kolkaas kaddib ayaa Cabdi Waraabe ninkii u yeedhay oo ku yidhi: ” awoow waxaannu u soconnay markii hore inaannu ku dilo, xabbad baa qoryahaa noogu jirtey, kolkaad se darroorintii noo quudhi weydey ayaan annana xabbadii kuu quudhi weynay, imikana waxaan talo ku gaadhay inaan kaa guursadaa oo aad inan isiiso, oo aad aabbe ii noqoto”. wuu argagaxay oo wuu naxay oo madaxa ayuu ii salaaxay’ ayuu yidhi Cabdi Waraabe, oo ka sheekaynayay.

Cabdi Waraabe, weliba wuxuu intaa ugu diray haddaad baho kale leedahay, dooni maayo, inanta gurigaa aannu gallay hooyadeed deggan tahay ayaan rabaa. Isna waan ku siiyey ayuu ugu hal celiyey, oo inan kolkaa laba jir ahayd ayuu yidhi illaa qaddar midkiin haleelo mooyee aday kuu joogtaa, sidaas beeshii ugu wargee.

Way noqdeen oo kolkii beeshii gaadheenna, sida Cabdi Waraabe sheegay raggii direy waa u duceeyeen oo taladii wanaagsanayd adaa lagu haleelsiiyey ayay ku yidhaahdeen, mar baynu xilligaa dhagar geli gaadhnay ayay ku cataabeen.

Inantii 17 sano ayay kala maqnaayeen, si ugu soo korto, muddadaas kaddib ayuu raadsaday oo ay is guursadeen, Faadumo 14 carruur ah ayay Cabdi waraabe u dhashay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker