Dawlada Ethiopia oo shaacisay in Soomaaliya ay raali-gelin ka siisay Taageerada Masar
Addis-Ababa (OWN) ― Dowladda Itoobiya ayaa si weyn uga Xumaatay Qaraar uu dhowaan Ururka Jaamacadda Carabtu uu ka soo Saaray Xiisada Wabiga Nile-ka ee U dhaxeysa dalalka Masar iyo Ethiopia , oo ay qeyb ka ahaayeen Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.
Qaraarkaasi ayaa cambaareyn loogu jeediyay Itoobiya, Taasi oo keentay in dowladda Itoobiya ay si weyn uga Gubato in qaraar ka dhan ah ay qeyb ka noqdeen Jabuuti iyo Soomaaliya, oo saaxiibtinimo dhow la leh Abiy Ahmed.
Ururka Jaamacadda Carabta ayaa garab istaag weyn u muujiyey dowladda Masar, Xiisada ka dhaxeysa Itoobiya ee webiga Nile-ka, taasi oo Loo arko inay keentay galaan-galka weyn iyo Saamaysta ay Dawlada Masar ku dhex leedahay Ururkaasi.
Soomaaliya iyo Jabuuti oo ka Tirsan Ururkaasi, ayaa iyaguna qeyb ka ahaa Qaraarkaasi, inkasta oo markii dambe ay Fariin raali-gelin ah gaadhsiiyeen Abiy Ahmed, oo isagu si weyn uga Cadhooday inay qeyb ka noqdaan qaraarkaasi.
Wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya, Gedu Andargachew oo wareysi gaar ah siiyey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa sheegay in Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay soo gaadhsiiyeen Dhambaalo ay Kaga xun-yihiin qaraarkaasi, kadib markii faah-faahin ka dalbatay Itoobiya Doorkooda ku aadan arrinkaasi.
“Dhambaalo aanu ka helnay (Soomaaliya iyo Jabuti) waxay noogu sheegeen in qaraarkaas uu Jaamacadda Carabtu Ansixiyay aanu door xalin ah ka ciyaarayn dhibaatada taagan, balse uu xaaladda sii xumaynayo” ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda ee Itoobiya.
Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waxay noo sheegeen in dhibaatada aan lagu xalin doonin jidkaas oo kale, waxaanan rumaysanahay in xubnaha kale ee jaamacadda Carabtu ay sidan oo kale yeeli doonaan”.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa dhowaan u Tegay caasimada Itoobiya ee Addis-Ababa, si uu Abiy Ahmed ugu gudbiyo dhambaal uu u soo dhiibay madaxweyne Farmaajo oo uu ku caddeynayo inay ka xun-yihiin qaraarkaasi uu soo saaray Ururka Jaamacada Carabtu, oo ay qeyb ka ahaayeen, isla markaana uu Raali-gelin buuxda ka siiyo.
Qaraarka Jaamacadda Carabta waxaa saxiixay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibedda Soomaaliya Cabdulqaadir Axmed Khayr, oo Soomaaliya Ku Matalayay Shirkaas, hase yeeshee waxaa kasoo horjeestay madaxweyne Farmaajo, oo sheegay inaan lagala tashan.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaan lumin karin Taageerada Itoobiya, maadaama uu u baahan yahay in ciidankeeda uu Adeegsado dagaalka uu kula jiro maamul goboleedyada dalka.
Ciidamada Itoobiya ayaa horey loogu Adeegsaday maamulka Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale ku sugan yihiin gobolka Gedo, ayada oo horey loogu fashilmay in Loo adeegsado maamulka Jubaland, maadaama ay Jubaland Taageero ka haysato ciidamada Kenya, oo Itoobiya aysan dooneyn inay isku dhacaan.