Xukumadda Somaliland ayaa ka Hadashay Sii daynta Maxaabista

Somaliland waxa ay astaan u tahay nabadda, sida uu Madaxweynuhu, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), dhawr jeer ku celceliyey. Siyaasadda xukuumaddaydu waa nabad ku wada noolaanshaha dalalka deriska ah iyo ka shaqaynta nabadeynta bariga gobolka Sool ee Somaliland.
Iyada oo Jamhuuriyadda Somaliland ka duulayso go’aanka Madaxweynaha, si loo helo nabad iyo isu socodka ganacsiga iyo bulshada gobollada bariga, waxa ay sii daysay oo Puntland ku wareejisay 11 maxbuus, kuwaas oo loo maray dariiq waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay mar walba diyaar u tahay, siyaasaddeedana saldhig u ah, nabad kula noolaanshaha dalalka deriska ah, oo Somalia ay ka mid tahay, gaar ahaan Dawlad-goboleedka Puntland ee Somalia.” Wasiirka Cadaalada Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker