Boqolaal askarta DRC ka tirsan oo magangelyo weydiistay Qaramada Midoobay
Boqolaal askari oo ka tirsan ciidamada Congo iyo saraakiil booliis ah oo magangalyo u raadsaday xarun Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Goma tan iyo markii laga qabsaday magaalada bari bishii Janaayo ayaa loo wareejinayaa Kinshasa, guddiga caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa Arbacada maanta ah sidaas sheegay.
ICRC waxay sheegtay in askarta iyo booliiska aan hadda hubaysnayn iyo qoysaskooda ay ka soo gelbinayaan aagga howlgalka nabad ilaalinta ee MONUSCO ilaa caasimadda Kongo ooay gaynayaan.
Sida laga soo xigtay MONUSCO, ilaa 1,400 qof – oo u badan askar – ayaa u qaxay xerada Goma ilaa dabayaaqadii bishii Janaayo.
“Marka la eego qallafsanaanta hawlgalka iyo khatarta la xiriirta, ICRC waxay ku baaqaysaa in la ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo isla xisaabtanka dhammaan dhinacyada ay khuseyso,” sida lagu sheegay bayaan la soo saaray.
M23 ayaa tan iyo bishii Jannaayo waxa ay haysataa laba magaalo oo waaweyn oo Congo ka tirsan, iyadoo colaadda daba dheeraatay, ee salka ku haysa xasuuqii Rwanda iyo halganka loogu jiro gacan ku haynta kheyraadka baaxadda leh ee Kongo, ay sii kordhayaan.
Si kastaba ha ahaatee, Rwanda ayaa beenisay eedeymaha ah inay taageerto jabhadda M23 oo ay hubayso, iyadoo sheegtay in ciidamadeedu ay iska difaacayaan ciidamada Congo iyo kooxo kale kale.