Tirada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay Iran oo korortay
Waxaa korortay tirada dadkii ku dhintay qaraxii ka dhacay dekadda Iran taasoo kor u dhaaftay 70-qof, waxaana sababay khasaarahan qaraxyadii iyo dabkii ka dhashay dekedda.
Guddoomiyaha gobolka Hormozgan, ayaa sheegay in weli la la’yahay 22-qof, halka in ka badan 20-qof oo kale meydkooda la aqoonsan waayay, kuwaasoo ay dhakhaatiirta ku howllanyihii sidii loo ogaan lahaa.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Iran ayaa ku dhawaaqday in hawlgalka lagu daminayay dabka la soo afjaray, balse gudoomiyaha gobolka Hormozgan ayaa sheegay in gurmadka loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay uu weli socdo.