Puntland Oo Dib U Celisay 3000 kun Oo Muhaajiriin Ethiopian ah
Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka warbixiyay kulan uu maanta(Shalay) Garoowe kula qaatay qunsulka dowladda Ethiopia u fadhiya caasimadda Puntland.
Wasiirka ayaa sheegay in kulanka dhexmaray isaga iyo qunsulka Ethiopia uu ku saabsanaa siyaasadda xakamaynta qulqulka muhaajiriinta u dhashay waddanka Ethiopia ee soo galaya gudaha Puntland iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi tahriibayaasha ah.
Maxamed Dhabancad ayaa sidoo kale sheegay in maamulka Puntland ay dib u celisay ilaa 3000 kun oo muhaajiriin Ethiopian ah kuwaasi oo dalbaday in dib loogu celiyo waddankoodi halka hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ay gudaha Puntland dib uga celisay in ka badan 300 boqol oo isla muhaajiriin Ethiopiana sida wasiirku sheegay.
Waxa kale oo wasiirku sheegay in iyadoo lala kaashanayo qunsuliyadda Ethiopia ee ku taalla Garoowe uu weli socdo qorshaha dib u celinta muhaajiriinta iyo tahriibayaasha u dhashay waddankaasi ee soo galaya gudaha Puntland.
Dhinaca kale wuxuu caddeeyay in Puntland ay ka go’antahay daryeelka iyo ilaalinta xuquuqda dadkaasi duruufaysan ee muhaajiriinta ah islamarkaana ay qunsuliyadda Ethiopia isla garteen in la xakameeyo qulqulka tahriibayaasha.