Madaxweyne Cirro: Waxaanu Muhiimad Siin Doonnaa Sii-daynta Maxaabiista iyo Isu-socodka Bulshada ee Bariga Sool

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ‘Cirro’, ayaa sheegay inay ka shaqaynayaan nabadaynta iyo sii-daynta maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Laascaanood.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale xusay inay doonayaan in la furo mar kale isu-socodka ganacsiga iyo bulshada ee u dhexeeya deegaanada Somaliland iyo kuwa maamulka SSC-Khaatumo ee hadda ka arrimiyo.

“Gobolka Bariga Sool ee Somaliland, waxaanu muhiimad siin doonnaa sii-daynta maxaabiista iyo sidii dib layskugu furi lahaa isu-socodka bulshada iyo ganacsiga,” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid kadib markii dhawaan maamulka SSC-Khaatumo uu sii daayay 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiista ay Somaliland ka haystaan, kuwaas oo ay sheegeen inay duruufo gaar ah qabaan, iyada oo markii lasii daayay laga dejiyay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo safar ku tagay magaalada Laascaanood, ayaa hormuud ka ahaa sii-dayntooda, isagoo maamulka ku qanciyay in marka hore la sii daayo maxaabiista jilicsan.

Somaliland ayaa sheegtay inaanay la wareegi doonin maxaabiistaasi, waxayna ku eedaysay dowladda Soomaaliya inay arrinta maxaabiista siyaasadaysay. Waxay intaa ku dartay in haddii maxaabiis la is-waydaarsanayo, ay tahay in ay arrintaasi u dhacdo si dhexdhexaad ah, iyadoo loo marayo hay’adaha caalamiga ah sida Laanqayrta Cas.

Hadaba, qaar kamid ah warbaahinta Somaliland ayaa dhawaan wariyay in maxaabiistii Muqdisho diyaarad laga saaray oo laga dajiyay Hargaysa, iyada oo imaanshiyahooda warbaahinta laga qariyay lakiin xukuumada Somaliland may xaqiijin.

Hadalka Madaxweyne Cirro ayaa muujinaya in ay jirto fursad labada dhinac ay ku kala qaadan karaan maxaabiista, hase ahaatee madaxweynuhu si toos ah ugama uusan hadlin cidda dhexdhexaadinta samaynaysa ama wadada rasmiga ah ee loo marayo arrintaasi.

Somaliland ayaa shalay soo gabagabaysay qaramaynta kumannaan maleeshiyo beeleed ah oo la abuuray kadib dagaalkii Laascaanood, taasoo ay ku tilmaantay tallaabo muhiim u ah nabadaynta deegaanada Sool iyo Sanaag oo ay weli colaaduhu ka taagan yihiin.

Inkasta oo labada dhinac ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo ay ku baaqayaan nabad, haddana ilaa hadda laguma guulaysan in ay miis wada-fadhiistaan si ay si dhab ah ugu xalliyaan colaadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker