In ka badan 20 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay waqooyiga Nigeria
Ugu yaraan 26 qof ayaa lagu dilay waqooyi bari Nigeria isniintii kadib markii gaari ay wateen uu jiiray bam wadada dhinaceeda lagu aasay, meel u dhaw xadka Cameroon.
Wakaaladaha wararka ee Reuters iyo AFP oo soo xiganayay ilo aan la magacaabin ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 16 rag ah, afar dumar ah iyo lix caruur ah.
Qaar ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaal. Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Boko Xaraam inay ka danbeeyeen falkan balse wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadan.
Sannadkii 2017-kii, diyaarad ay leeyihiin ciidamada Nigeria ayaa si lama filaan ah u weerartay xero qaxooti oo ku taalla magaalada Rann, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 qof, 120 kalena ay ku dhaawacmeen.
Rann, waa xarun gargaar bini’aadannimo oo Nigeria ku taalla una dhow xadka Cameroon.
Ciidamada Cirka ee Nigeria ayaa xiligaasi xaqiijiyay in diyaaradooda dagaal ay ku guda jirtay howlgal ka dhan ah dagaalyahanada Boko Xaram, markii ay si lama filaan ah u garaacday xerada, xilli shaqaalaha gargaarka ay raashiin u qeybinayeen qaxootiga.
Gobolka Borno ayaa noqday goob ay ku badan yihiin Islaamiyiinta Nigeria. In ka badan 40,000 oo qof ayaa lagu dilay 15 sano oo rabshado ah, in ka badan 2 milyan ayaana ku barakacay.