Hogaamiyaha Shaqaalaha Kenya oo sheegay in suurtagal ay tahay in Soomaalida ay Madaxweyne ka noqdaan Kenya
Madaxa ururka shaqaalaha Kenya ee loo yaqaan COTU, Francis Atwoli, oo in kabadan 20sano ku jira Siyaasadda dalka Kenya ayaa sheegay in la joogo xiligii ay Soomaalida dalka madaxweyne ka noqon lahaayeen.
Siyaasigaan Atwoli ayaa u muuqday mid uu ku muujinayay in isbeddel loo baahan yahay si looga tago halka la joogo, wuxuuna tusaale u soo qaatay booqasho uu ku tagay Suuqa Islii ee magaalada Nairobi iyo wixii uu ku soo arkay.
“Somaalida isbaddel haku sameeyaan magaalada Nairobi haddii aadan adinka awoodin, hana ooyina sababtoo ah waxaad rabtaan in xafiiska lacag la idinkugu keeno oo lacag la idinku soo tuuro” ayuu yiri Siyaasi Atwoli.
Waxa uu ugu baaqay Soomaalida inay hormariyaan magaalada Caasimadda ah ee Nairobi, mustaqbalkana madaxweyne ay yeelan doonaan.