Wasiirka Arrimaha Dibadda oo sheegay in aanay Somaliland ogolaan doonin in ay dhex gasho arrimaha ka taagan Bariga dhexe

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Bakaal oo waraysi siiyey warbaahinta Daily Euro Times ayaa sheegay in aanay Somaliland ogolaan doonin in ay dhex gasho arrimaha ka taagan Bariga dhexe gaar ahaanna in ay qayb ka noqoto xiisadda ka taagan marinka Qasa iyo qorshaha la doonayo in lagu soo barakiciyo dadka halkaas ku dhaqan.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ay Somaliland diyaar u tahay wada xaajood iyo wada hadal ay la yeelato Caalamka iyada oo ka dheeranaysa in ay dhexda u gasho colaadaha ka aloosan gobolka Bariga dhexe.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker