Sacuudi Carabiya oo si kumeelgaar ah u joojisay fiisayaasha Xajka muwaadiniinta 14 dal oo Soomaaliya ku jirto
Kahor Xajka 2025, Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kumeelgaar ah u mamnuucday bixinta fiisayaasha muwaadiniinta kasoo jeeda 14 dal oo ay kamid yihiin: Iiraan, Nigeria, Itoobiya, Soomaaliya, Koongo, Liibiya iyo Suudaan.
Talaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ammaanka iyo maaraynta tirada dadka ee mid ka mid ah isu-imaadyada diimeed ee ugu weyn caalamka.
Sida ku cad amarada cusub, dadka kasoo jeeda dalalkan ma heli doonaan fiisayaal Cumro ama booqasho inta lagu jiro xilliga xajka. Intaa waxaa dheer, muwaadiniinta lagu helo in ay ku negaadaan Sacuudiga fiisooyinkooda kadib waqtigii la oggolaa waxay wajahayaan ciqaabo adag oo ay kamid yihiin ganaax lacageed, xabsi, iyo masaafurin.
Sacuudiga ayaa sidoo kale si adag u digay dhammaan booqdayaasha in ay ilaaliyaan sharciyada socdaalka, isagoo xasuusiyay in xadgudubyada lagu muteysan karo ciqaabo culus.
Xeerarkan cusub ayaa qeyb ka ah dadaalka Sacuudiga ee lagu hubinayo badbaadada iyo nidaamka xujeyda sannadkan.