Mareykanka oo duqeeyay xaruun tahriibayaasha Afrikaanka ah lagu xidho oo ku taalla Yemen iyo dad badan oo ku dhintay

Ugu yaraan 68 qof ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo Mareykanku uu ku qaaday xarun lagu hayo muhaajiriin Afrikaanka ah oo ku taal waqooyi-galbeed ee Yemen oo ay Xuuthiyiinta ka taliyaan, sida uu sheegay TV-ga kooxda hubeysan.

Telefishinka Al Masirah ayaa sheegay in 47 qof ay ku dhaawacmeen oo intooda badan ay aad u liidato xaaladoodu markii la duqeeyay xarunta oo ku taalla gobolka Sacda. Waxaa la soo bandhigay muuqaal muujinaya maydad badan oo ku hoos jira burburka dhisme

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ciidamada Mareykanka.

Balse arrintaan ayaa imaanaysa saacado kadib markii taliska dhexe ee Mareykanka uu ku dhawaaqay in ciidamadooda ay duqeeyeen in ka badan 800 oo bartilmaameed tan iyo markii madaxweyne Donald Trump uu amray in la xoojiyo howlgallada cirka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta 15-kii Maarso.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker