Laba Qof oo lagu dilay toogasho ka dhacday Canada

Toronto(OWN)- Ugu yaraan Laba qof  ay ka mid tahay qof dumar ah ayaa dhintay ilaa 13 qof  kalena dhaawacyo ayaa ka soo gaadhay toogasho ka dhacday magaalada Toronto ee dalka Canada, sida laga soo xigtay saraakiisha Booliiska.

 

Toogashada ayaa lagu waramayaa in ay ka dhacday saqdii dhexe habeennimadii Axadda agagaarka Danforth iyo Logan , qofka Labaad ee dhintay ayaa ahaa qof hubeysan.

 

Dhaawacyada ayaa la sheegay in ay daadsanaayeen goobo kala duwan oo ah halka ay toogashadu ka dhacday, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood la sheegay in ay xaaladoodu leedato.

 

Booliiska aya bilaabay in ay su’aalo weydiiyaan dad goobta ka agdhawaan si ay bal xog uga hellaan sida uu weerarku ku bilaawday.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker