Madaxweyne Xasan Sheikh: Weli ma go’aansan inaan u tartamo doorashada 2026
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu isku sharaxi doono mar kale doorashada madaxweynaha ee 2026.
Xasan Sheikh ayaa ku celiyey in go’aan kasta oo ku saabsan suurtagalnimada inuu u tartamo mar saddexaad sanadka 2026 uu ku xirnaan doono xaaladda siyaasadeed marka wareegga doorashada uu soo dhowaado.
Wuxuu xusay in waxa uu diiradda hadda saarayo ay tahay xoojinta amniga dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta codbixinta tooska ah ee muddo dheer la sugayay.
Wareysi uu siiyay Nation Media oo ah warbaahin laga leeyahay Kenya, ayuu Madaxweyne Maxamuud ku sheegay in xaaladda amniga ee caasimadda Muqdisho ay si weyn u hagaagtay tan iyo markii uu xilka qabtay bishii May 2022. Muddadaas wuxuu sheegya in lagu xasuusto dagaallo xooggan oo dowladdiisay ku qaadday kooxda Al-Shabaab.
“Amniga Muqdisho aad ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud. “Bilo walba qaraxyo ayaanu la kulmi jirnay, laakiin hadda aad bay u yar yihiin.”
Wuxuu sheegay in kororka amniga uu si toos ah u horseeday koboc dhaqaale iyo dhismooyin ka socda caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay ballaarinta goobaha ganacsiga.
“Waxaa la iigu doortay barnaamij ah la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Taasi waxay ahayd ajandahaygii doorashada,” ayuu yiri. “Haddii aad dib u fiiriso barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan si weyn ugu guuleystay daciifinta awoodda Al-Shabaab.”
Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay hadafkiisa ugu weyn inuu yahay, in Soomaaliya u soo celiyo dimuqraadiyad dhab ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda uu shaqsiyan siiyo hirgelinta nidaamka codbixinta tooska ah.