Arrimaha ku gedaaman heshiiska shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya ee muranka badan dhaliyay
Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada Soomaalida dood ka abuuray warbixin ay daabacay Nordic Monitor taasi oo ka shaqeysa dabagalka iyo arrimaha cilmi baarisyada waxaana mareegtaasi ay faah-faahisay heshiis la sheegay in sannadkii la soo dhaafay ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa soo saarista shidaalka Soomaaliya.
Qodobada ku jiray heshiiskaasi waxaa ka mid ah hirgelinta hawshan iyo qaabka loo marayo iyo weliba sida labada waddan ay u qeybsanayaan faa’iidada marka shidaalka Soomaaliya la soo saaro waxaana xusid mudan in Turkidu ay qaadan doonaan saami gaaraya boqokiiba 90 faa’iidada laga helo shidaalka halka Soomaaliyana loo oggol yahay boqokiiba shan.
Waxaa sidoo kale warbixinta heshiiska ku jirta habka loo xallinayo muranada iyo weliba haddii labada waddan ay isku fahmi waayaan waxyaabaha qaarkood.
Arrintan ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyay iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka iyo qeybaha kale ee heshiiskaan diiddan ay si weyn u durayaan, dowladda Soomaaliya oo ay BBC-du xiriir la sameysayna ayaanan beenin amaba aanan ayidin warbixinta mareegta balse waxa ay dowladdu sheegtay in arrintaasi ay war ka soo saari doonto.