Ex-Wasiir Xaglatoosiye Oo ka Hadlay Doorashadii Shir Guddoonka Golaha Wakiillada JSL

Siyaasi Saleebaan Ciise Xagla-toosiye oo ka tirsan Xisbiga KULMIYE, ayaa ka hadlay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ,taas oo ay ku guulaysteen Xisbiyadda Mucaaradka Somaliland,halka Xisbiga KULMIYE ay guuldarro ka soo gaadhay.

Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa ugu horeyn ka hadlay sidii ay u dhacday doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland “Waxaan u arkaa inay dhacday doorasho guul u ah dhammaan ummada reer Somaliland, guul guud ayaa dhacday waan ku faraxsanay guushaa dhacday,guusha dhacdayna waxa weeye in si qurux baddan oo bilaa buuq iyo rabshad ah ay inoogu qabsoontay doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiilladu.”ayuu yidhi

Dhanka kalene Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa Xisbiyadda Mucaaradka ah ku hambalyeeyey guusha ay ka gaadheen doorashada shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland “Guusha gaarka ah ee ay helleen Mucaaradku ee ay ku guulaysteen Guddoomiyaha shir guddoonkana waan ugu Hambalyeynayaa,aad iyo aad-na waxa aan ugu faraxsanay guushaa guud ee dhacday oo ah ta mihiimka ah ,guusha guud ayaa ka mihiimsan ta gaarka ah .”ayuu yidhi

Siyaasi Xaglatoosiye ayaa intaas ku daray “Waxa la yidhaah garri laba nin kama wadda qosliso doorashadu waa sida ciyaarta oo kale waa la tartamay nin ayuun-bay guushu raaci lahayd markaa waanu u hambalyeynaynaa Mucaaradka.”ayuu yidhi

Geesta kalena Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ,ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE uu doonnayey inuu ku guulaysto shir guddoonka Golaha Wakiillada,balse lagaga adkaaday doorashadii shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland “Xisbiga KULMIYE waanu isku daynay in aanu guulaysano,haseyeeshee illaahay nooma qorin in aanu halkaas ka qaadano Guddoomiyihii, kolay marka dad tartamo nin walba guusha iyo guul-darrada wuu filayaa,markaa labadaba waan filaynay ee mid ayaa soo baxday, waanan ku qanacsanay waanan ku hambalyeynayaa.” Ayuu yidhi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker