Uganda oo sheegtay in khatar culus ay kasoo socota Kooxda Al shabaab
Wasiirka Difaaca dalka Uganda, Hon. Jacob Marksons Oboth, ayaa ka dhawaajiyay in ammaanka Soomaaliya uu sii xumaanayo, isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo xoojiyo ciidamada Midowga Afrika ka jooga Soomaaliya.
Isagoo ka hadlayay shir heer sare ah oo heer wasiir ah oo ay isugu yimaadeen dalalka ay ciidamada ka joogaan Afrika (TCCs) oo lagu qabtay Kampala, Oboth ayaa ka digay in kooxda xagjirka ah ay halis ku tahay jiritaanka dowladda Soomaaliya iyo xasilloonida ballaaran ee Geeska Afrika.
“Argagixisadu waxay weli khatar weyn ku tahay Soomaaliya iyo Geeska Afrika, Waxaan halis ugu jirnaa inaan lumino guulihii hawlgalka ee aan sida adag ugu dagaalanay inaan helno ” ayuu yiri Oboth.
Digniinta Dowladda Uganda ayaa daba socotay kadib weerar xoogan oo ay Al shabaab shalay ku qaadeen saldhigii 2aad ee ugu weynaa ee Ciidamada Soomaaliya ku lahaayeen degaanka Wargaadhi ee Shabeelada dhexe.