Daawo:-Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD.

Hargeysa-OWN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdi ka kala socotay qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa kala hoggaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana ay labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxana ay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

Image may contain: 11 people, people standing, suit and weddingImage may contain: one or more people, people sitting, table, living room and indoorImage may contain: 4 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, suit and outdoorImage may contain: 4 people, people sitting, table and suitImage may contain: 2 people, people sitting, indoor and outdoor

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker