Mareykanka oo Putin kala hadlaya soo afjaridda colaadda Ukarine
Ergayga Aqalka Cad ee Mareykanka Steve Witkoff ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe kulan kula yeesho Vladimir Putin magaalada Moscow si uu ugala hadlo suurtagalnimada heshiis nabadeed oo dhex mara Ruushka iyo Ukraine.
Witkoff, oo hore u ahaan jiray madaxa horumarinta guryaha, ayaa horay ula kulmay Putin saddex jeer labadii bilood ee la soo dhaafay.
Horaantii bishaan, ergeyga gaarka ah ee Donald Trump ayaa soo jeediyay heshiis nabadeed oo suurtagal ah oo ku xiran xaaladda shanta gobol ee Ukraine.
Witkoff ayaa u muuqday in uu hadalkaas ula jeeday Crimea iyo gobollada Donetsk, Luhansk, Zaporizhzhia iyo Kherson ee bariga Ukraine, kuwaas oo intooda badan gacanta u galay militariga Ruushka ka dib markii Putin uu bilaabay duullaan ballaaran sanadkii 2022 isaga oo ujeedkiisu ahaa in uu la wareego Ukraine.