Faahfaahin dheeraad ah oo ka so baxaysa duqeymo khasaare badan gaystay oo Qasa ka dhacay
Tirada dhimashada duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay marinka Qasa, ayaa gaartay 56, oo ay ku jiraan 39 qof oo ku dhintay Qasa, iyo waqooyiga Marinka Gaza, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA.
Wakaaladda ayaa intaa ku dartay in ciidamada Israa’iil ay duqaymo xagga cirka ah ku qaadeen guri ay degganaayeen dad barakacayaal ah oo ku yaalla agagaarka Isgoyska Xalaawa ee Jabalia Al-Balad ee waqooyiga Qasa, halkaas oo ay ku dileen 18 falastiiniyiin ah, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo intooda badan xaaladoodu liidato.
Weerar kale oo dhanka cirka ah, sagaal qof ayaa ku dhintay, kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lala beegsaday xarun hore oo boolis oo ku taalla deegaanka Jabalia, sida lagu sheegay war ka soo baxay isbitaalka Indonesia oo la dhigay dhaawacyada.
Dhankooda, ciidamada Israa‘iil ayaa sheegay in ay beegsadeen xarun ay Xamaas leeyihiin “xarunta taliska iyo kantaroolka” ee Jabalia, iyadoo aan la cayimin halka bartilmaameedku ahaa.
Waxey intaas ku dareen in xaruntan loo isticmaalayay “qorsheynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo ciidamada Israa’iil.”