Markab Shidaal oo dab ku qabsaday Xeebaha Soomaaliya
Markab shidaal ayaa dab ku qabsaday xeebaha Soomaaliya, xili uu ku sii jeeday magaalada Fujairah ee dalka Imaaraadka Talaadadii, Abriil 22.
Invictus oo wata calanka Jasiiradaha Marshall ayaa ka ambabaxay magaalada Beira ee dalka Mozambique wuxuuna ku dhawaad 508 mayl-badeed bari ka xigay magaalada Muqdisho markii uu dabku ka kacay qolka matoorka fiidkii Talaadada.
Dabka ayaa ugu dambeyn la damiyay duhurnimadii Arbacada, hase ahaatee, weli awooddii korantada markabka ayaan dib loo soo celin.
Markab ay leeyihiin ciidamada badda Hindiya ayaa u soo gurmaday markabka, iyaga oo gacan u gargaar u fidiyay shaqaalaha iyo markabkaba.
Tiro ka mid ah maraakiibta ciidamada badda Hindiya ayaa aagga ku sugan, waxaana ay la socdaan xaalada markabka.