Dowladda Congo iyo fallaagada M23 oo isku raacay in ay nabad ka shaqeeyaan kadib markii Qadar ay kala dhex gashay

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa Arbacadii bayaan ay soo saareen ku ballanqaaday wadahadallo ay Qatar ku doonayeen inay nabada ku raadiyaan ka dib rabshado ka qarxay bariga Congo bishii Janaayo, taasoo sare u qaadday cabsida laga qabo dagaal gobolka ka dhaca.

Heshiisku waxa uu kor u qaaday rajada laga qabo in xaaladdu xasisho.Dhinac walba wuxuu soo saaray bayaan gaar ah kadib markii ay wafdiyadoodu ka ambabaxeen dalka Qatar horaantii todobaadkan, kadib wadahadalo qaatay in ka badan todobaad.

“Labada dhinacba waxay xaqiijinayaan sida ay uga go’an tahay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, diidaana hadal kasta oo naceyb ah, hanjabaad ah, waxayna ugu baaqayaan bulshada inay fuliyaan ballanqaadyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in wada-hadalkooda uu ahaa mid hufan oo wax ku ool ah, balse ma cadda goorta wareeg kale oo wadahadal ah uu dhici doono.

Kooxda M23 ayaa qabsatay laba magaalo oo waaweyn oo ku yaal bariga Congo, iyadoo rabshadaha halkaa ka dhacay ay ku dhinteen kumannaan qof.

Wadahadallada nabadeed ee Qatar ay dhexdhexaadinayso ayaa imaanaya kadib markii dowladda Khaliijka ay fududeysay kulankii bishii hore dhex maray madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi iyo madaxweynaha Rwanda Paul Kagame. Labada hoggaamiye ayaa ku baaqay xabad joojin kulanka ka dib.

Kulankan ayaa u muuqda mid loogu gogol xaarayey wada hadal toos ah oo dhex mara Kongo iyo M23. Kongo ayaa muddo dheer diidaneed fikradda ah in ay la xaajooto M23, iyada oo kooxda ku tilmaantay koox argagixiso.

Rwanda ayaa dhankeeda in muddo ahba beeninaysay inay taageerto jabhadda M23.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker