Al-Shabaab oo saaka weerar ku qaaday deegaanka Wargaadhi iyo faahfaahin ka soo baxaysa
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in saaka al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaanka Wargaadhi oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada dowladda.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka, Jeneraal Sahal Cabdullahi Cumar, oo la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha ayaa sheegay in dagaalka looga adkaaday al-Shabaab isla markaana halkaa “jab” lagu gaarsiiyay.
Wuxuu intaa ku daray in deegaanka ay hadda ku suganyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.Ma uusan sheegin khasaaraha soo gaaray ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa goobaha Shabaab saaka weerareen.
Marka laga yimaado warka ka soo baxay dowladda, ma jirto cid si madax bannaan u xaqiijinaysa khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka iyo xaaladda deegaanka ee xilligaan.
Sidoo kale dhanka al-Shabaab weli wax war ah kama soo bixin.