Qorshe cusub oo xabbad joojin lagu dhex dhigayo Israa’iil iyo Xamaas oo la soo jeediyay

Sarkaal sare oo Falastiini ah oo la socda wadahadalka xabad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa BBC-da u sheegay in dhexdhexaadiyeyaasha Qatar iyo Masar ay soo jeediyeen qaab cusub oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.

Sida uu sheegay sarkaalku qorshuhu waa in la helo nabad waarta oo soconaysa inta u dhaxaysa 5 ilaa 7 sano, in la sii daayo dhammaan la haystayaasha Israa’iil iyo maxaabiista falastiiniyiiniyiinta ah oo ku xiran jeelasha Israa’iil, xabbad-joojin rasmi ah, iyo in Israa’iil ay gebi ahaanba ka baxdo Qasa.

Wafdi ka socda Xamaas ayaa la filayaa inay gaaraan Qaahira si ay wadatashi ula yeeshaan dhinacyada. Xabad joojintii ugu dambeysay ayaa burburtay bil ka hor, markii Israa’iil ay dib u bilowday weeraradeeda Qasa, iyadoo labada dhinac midba midka kale uu ku eedeeyay.

Israa’iil ayaan wax hadal ah ka soo saarin qorshahan cusub.

Xamaas waxaa wadahadalka Qaahira ku matali doona madaxa golahooda siyaasadda, Maxamed Darwish, iyo madaxa wada xaajoodka Khalil al-Hayya.Waxay ku soo beegantay maalmo ka dib markii Xamaas ay ku gacan sayrtay soo jeedintii u dambaysay ee Israa’iil, kaas oo ay ku jireen dalabaad ah in Xamaas hubka laga dhigo si loogu beddelo xabbad joojin lix toddobaad ah.

Sabtidii, ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aysan joojin doonin dagaalka ilaa Xamaas la burburiyo, lana soo celiyo dhammaan dadkii la qafaashay. Xamaas ayaa dalbatay in Israa’iil ay joojiso dagaalka ka hor inta aan la sii deyn la haystayaasha.

Sarkaalkan Falastiiniga ah oo u dhuun duleela wada-hadallada ayaa BBC-da u sheegay in Xamaas ay muujisay inay diyaar u tahay inay maamulka Qasa ku wareejiso hay’ad kasta oo falastiiniyiin ah oo lagu heshiiyo “heer qaran iyo heer gobol”.

Sarkaalka ayaa sheegay in tani ay noqon karto maamulka Falastiin ee fadhigiisu yahay Daanta Galbeed ama maamul cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker