Madaxda Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ayaa maanta muran gacan ka hadal gaadhay ku dhexmaray xarunta xisbigaasi ee Hargeysa.
Madaxda xisbiga ayaa markii hore qorshaynayay in ay dhaliilaan khudbadii madaxweyne Cirro, ka jeediyay labada gole ee Baarlamaanka gaar ahaana in aanu madaxweynuhu ka hadal mowqifka xukuumadda ee is-afgaradkii badda Ethiopia iyo weliba joojinta wadahadaladii Soomaaliya oo hore go’aan gole u ahaa.
Muranka ayaa salka ku haya khilaaf huursan oo u dhexeeya madaxda xisbigaasi kuwaas oo qaarkood doonayaan in hoggaanka sare isbeddel lagu sameeyo halka kuwa kalena danaynayaan in hoggaanku sidiisa ahaado.
Gacan ka hadalka koobaad ayaa dhexmaray guddoomiye ku-xigeenka xisbigaasi Cabdicasiis Samaale iyo wasiir ku-xigeenkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac.
Muran iyo gacan ka hadalka kadib ayaa shirka la joojiyay iyadoo dib loo dhigay kulan Warbaahineed guddoomiyaha xisbigaasi qaban lahaa.