Xafaayadaha Carruurta yar yar oo laga helay Maadooyin Sun ah

Baadhitaan ay samaysay Ha’ayada faya-dhawrka caafimaadka cuntooyinka  iyo Deegaanka ee Dalka Faransiiska oo  magaceeda loo soo gaabiyo “ANAS”, ayaa lagu ogaaday in xafaayaha carruurta ee lagu isticmaalo gudaha Dalkaasi laga helay maadooyin sun ah.

 

Waxa kale oo ay ha’adaasi cadaysay in ay deraasaddo kala duwan ku sameeyaan xafaayadahaasi isla markaana la xaqiikiyay in ay ku jiraan maadooyin kiimiko ah oo halis galinaya caafimadka carruurta loo xidho xafaayadahaasi .

 

Maadooyinka kiimakada ah waxa ay ha’addaasi ku tilmaantay in ay yihiin kuwa loo adeegsado waxyaabaha la isku qurxiyo iyo sidoo kale cadarrada qaarkood, waxa aanay sheegtay in dhamaan maadooyinkaasi ay yihiib kuwa halis ah. Waxa ay Amar ku siisay shirkadaha sameeya xafaayadahaasi iyo sidoo kale ganacsatada in ay si degdeg u xaqiijiyaan in maaddadaasi laga daayay xafaayadaha.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker