Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka hortimid aqoonsi gaar ah ay Puntland ay u sameeneyso shacabka Degeenadeedi
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa si kulul uga hortimid tallaabadi uu Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni uu ku ogolaaday sameysiga aqoonsi heer Dowlad Goboleed ah oo ay qaadanayaan Shacabka Degaanada Puntland taa oo ay wasaaradda tilmaamtay inay tahay mid baalmarsan sharciga.
War saxaafadeed ay arintaasi Wasaaradda ay kasoo saartay ayaa waxa ay ku tilmaamtay tallaabada ay qaaday Puntland mid aan sal iyo raadba toona ku lahayn Dowladnimada iyo mas’uuliyadda Qaran, waxaana ay shaaca ka qaaday inuu ka hor imaanayo qorshayaasha horumarineed ee dalka uu doonayo inuu ku talaabsado.
Wasaaradda ayaa sheegtay inay ku boorineyso madaxda Puntland in ay si qaranimo leh uga qeybqaataan hirgelinta Aqoonsiga Qaranka, ayna bulshada deegaanka uga faa’iideeyaan nidaamka qaran ee horey loo dhisay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u meelmarisay Siyaasadda Aqoonsiga Qaranka, sidoo kale labadda Aqal ee Barlamaanka ayaa iyana meelmariyey xeerka Aqoonsiga Qaranka Xeer lambar 9, Maarso 2023 iyo xeerka illaalinta Xogta Muwaadinka Xeer lambar 5, Maarso 2023, waxaana la aas-aasey Hay’adda Qaranka ee Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga (NIRA), Waxaa sidoo kale dalka loo soo iibiyey qalab casri ah oo lagu daabaco, lagu keydiyo, laguna ilaaliyo xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

